GMM oo war ka soo saaray is hor istaaggii Shariif Sakiin

Inta badan kuraasta Barlamaan ee taalla Koofur galbeed, waxaa loo xiray shaqsiyaad ay Madaxtooyada Soomaaliya gadaal ka taagan tahay, kuwaas oo u badan dhallinyaro, siyaasadda ku cusub oo aan hore wax xilal ah u qaban.

News Keydmedia Online
GMM oo war ka soo saaray is hor istaaggii Shariif Sakiin

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta, ayaa si weyn u canbaareeyay go’aanka lagu hor istaagay, socdaalki uu Madaxweynihii hore Koofur Galbeed, Sharif Xasan Sheikh Adan, ku tagi lahaa magaalada Baydhabo, si uu uga qeyb-galo doorashada kursiga HOP#261.

Falalkaas, ayay ku tilmaameen mid gurracan oo ka baxsan nidaamka dowlad-wanaagga waxayna xuseen inuu dalka ka socdo, ku xad-gudubka xuquuqda dastuuriga ee muwaadhinka, waxayna gabood-falkaas, dusha ka saareen Lafta-gareen oo kaashanaya Farmaajo.

Falkaas sharci-darrada ah ee lagu joojiyey mudanaha iyo taageerayaashiisa waxaa mas'uuliyaddeeda lahaa Madaxweynaha Dowladd-goboleedda Koofur-Galbeed oo kaashanaaya Dowladda Federaalka. Ayayy lagu yiri warka ka soo baxay GMM.

Waxa ay falkaas, ku tilmaameen, mid ka mid ah dhaqamada xun-xun oo doorashada loogu boobayo Madaxweynihii hore, Farmaajo, dhaqamadaas oo madaxda maamulladu, ku soo kordhiyeen siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.

Waxa ay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, ugu baaqeen in aysan indhaha ka qarsan, falalka xad-gudubka xuquuqda muwaadhinka ee ka socdo dalka oo muhiimadiisu tahay in la boobo doorashada, waxayna ka digeen, khilaafyo hor leh iyo in natiijada doorashadu lagu qanci waayo.

Madaxtooyada Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafatagareen, ayaa diiddan in Shariif Sakiin, u tartamo, kursiga HOP#261, kaas oo baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyay wiilkiisa, C/qaadir Shariif Xasan, oo xilka aabihiis ka beddelay 2014-kii.

Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa ka cabsi qabta, in haddii Shariif Sakiin, soo helo, HOP#261,  uu noqon karo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, taas oo ay u arkaan caqabad weyn, waxayna dadaal ku bixinayaan in kursiga loo xiro shaqsi kale.

Sharif Xasan, wuxuu ahaa, dhagax-dhigihii, Koofur galbeed iyo Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulkaas, wuxuu soo noqday, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaka JFS, wuxuuna ka mid yahay musharixiinta u taagan baratanka xilka ugu sarreeya dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.