Mucaaradka oo u istaagay xallinta khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi

Hoggaamiyayaasha Mucaaradka ee Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo CC Warsame, ayaa u qalab qaatay xallinta murranka muddada dheer ragaadiyay doorashada kuraasta Soomaaliland.

Warar Keydmedia Online
Mucaaradka oo u istaagay xallinta khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh  Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, u xil-saaray xallinta khilaafka siyaasiyiinta Soomaaliland.

Saddexdaan Masuul, oo dhawaan kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday in ay iyagu raadiyaan xalka khilaafka ka taagan doorashada Guddoonka Guddiga maamulaya doorashada Kuraasta Soomaaliland, Rooble ayaana u ballan qaaday inuu aqbalyo haddii ay keenaan xal waara oo labada dhinac ku qanci karaan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Keydmedia Online, u sheegay, in Ra’iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Guuleed, uu shalay kulan la qaatay Saddexda hoggaamiye, isla-markaanaa uu u ballan qaaday in uu aqbali doono xalka ay u keenaan arrinkaan muddada dheer muragsan.

Guddoomiyihii Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa isna la rajeynayaa inuu maanta la kulmo Hoggaamiyayaasha mucaaradka, waxaana la filayaa in guud ahaan laga laabto is doorashadii garabka Mahdi guuleed ee dhawaan ka dhacday Teendhada Afisyooni.

RW, ayaa ku guuldareystay inuu xal u helo khilaafka labada garab, waxaana dhowr mar fashilmay dadaallo uu ku doonayay in lagu dhaqan galiyo heshiisyo hore loo galay.

Garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi, ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay in uusan dhex dhexaad ahayn, isla-markaana uu Farmaajo kala shaqeynayo soo boobka kuraasta Soomaaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.