Mudada joogitaanka AMISOM oo la kordhiyay

Mudada joogitaanka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la cusbooneysiinayaa, go'aankaas waxaa shalay oo Khamiis ah gaaray Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Warar Keydmedia Online
Mudada joogitaanka AMISOM oo la kordhiyay

NAIROBI - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa la cusbooneysiinayaa, kadib markii go'aankaas ay gaareen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Mandate-ka AMISOM ayaa ahaa 28-da February laakiin waxaa hada laga dhigay December 2021, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu. 

Dhammaan xubnaha UN-ka ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ku dhawaad 20,000 oo ciidammo ah ayaa ka jooga AMISOM dalka kuwaa oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti & Kenya. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.