Mudug: Dad ku dhintay Gaari jidka loo galay

MUDUG(KEYDMEDIA) Toban qof ayaa ku dhimatay seddex iyo toban kalana way ku dhaawacmeen kadib markii kooxo burcad ah ay rasaas ku fureen gaari rakaab ah oo marayay inta u dhaxeysa deegaanada Jariiban iyo Bali busle oo ka tirsan gobalka mudug.
Warar Keydmedia Online
Mudug: Dad ku dhintay Gaari jidka loo galay

Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa ka anbabaxay degmada Jariiban, waxaana sida la sheegay ka bad baaday hal qof oo kaliya iyada tirade dadka saarnaa gaarigaasi ay ahaayeen 25 qof.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa loola soo cararay dhanka isbitaalada magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka mudugg si xaaladooda caafimaad loo daryeelo.

Todobaadkii hore ayaa sidan oo kale qeyba ka mid ah gobalka mudug waxaa lagu waxyeelay  shacab.

www.keydmedia.net