Mudug iyo Nabad-doono Shil galay

Muqdisho (Keydmedia.net) - Wararka keydmedia.net ay ka heleyso Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Nabad-doono deegaanka ah ay shil ku galeen qeyba ka mid ah gobalkaasi.
Warar Keydmedia Online
Mudug iyo Nabad-doono Shil galay

Shilka ayaa ka dhacay Tuulada Bacaadweyn oo ka mid ah tuulooyinka hoos taga gobalka, waxaana duqowda shilka gaari ku dhaawacantay ay ahaayeen kuwa ku sii jeeday xalinta dil ka dhacay deegaankaasi dhawaan.

Gaariga ay saarnaayeen odayaasha ayaa ku qalibmay bartamaha bacaadweyne, waxaana dhaawacyada odayaasha la gaarsiiyay isbitaalka Magaalada Galkacyo.

Dhaawacyada ayaa isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus, waxaana dhamaan dadka dhibaatada dhaawac ay gaartay ay yihiin odayaal iyo wax garad caan ka ah deegaanka.

www.keydmedia.net