Mudug: Lahaystayaal la siidaayey

Gaalkacyo(KON)-Saddex Lahayste oo u dhashay dalka Kenya islamarkaana mudo 2 Sano ah lagu haystay Gobolka Mudug ayaa maanta la siidaayey.
Warar Keydmedia Online
Mudug: Lahaystayaal la siidaayey

Wararka ayaa sheegaya in Lahaystayaashaan oo Miyiga Gobolka Mudug lagu haystay Xoriyadoodii dib loo siiyey.

Ilo lagu kal soonaan karo ayaa Keydmedia online u sheegay  in Koox ka tirsan Burcadbadeeda Soomaalida oo haystay saddexdaan Ruux ay ka qaateen Lacago Madax Furasho ah oo aan cadadeeda la shaacin.

11-kii Juulay ee Sanadkii 2012 ayaa Deegaanka Bacaadweyne ee Waqooyiga Gobolka Mudug,waxa laga Afduubtay Lahaystayaashaan maanta la siidayey,waxaana ay u shaqeenayeen Hay’ad Samafal oo dhinaca Caafimaadka ah.

Wali wax war ah  kama soo bixin Dowladda Kenya oo ay u dhasheen Dadkaan la siidaayey.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho