Mugdi hareynaya qorshihii Soomaaliya la tagatay Dubai

Wasaaradda Batroolka & Macdanta, si daahfuran uma aysan caddeyn, qorshaha socodkooda iyo xogaha la xiriira kheyraadka ay la wadaageen shirkadaha caalamiga ah iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galay madasha.

Warar Keydmedia Online
Mugdi hareynaya qorshihii Soomaaliya la tagatay Dubai

DUBAI- Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shirka todobaadka Shidaalka Africa, [Africa Oil Week 2021] kaas oo 8 – 11-ka bishaan ka socday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta [UAE] gaar ahaan magaalada Dubai, ee caanka ku ah dukaamaysiga.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee JFS, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayuu qorshuhu ahaa inuu hoggaamiyo waftiga ka socda Dowladda Federaalka, hayeeshee, ka baaqashadiisa ayaa horseedday in Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda uu hor kaco xubnaha Soomaalida.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Maxamed Xaashi Carabeey, Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda Batroolka, Caa'isha Axmed , Agaasimaha Waaxda Sharciyadda Batroolka Xuseen Cali Axmed iyo xubno kale ayaa magaca Soomaaliya ku tagay Dubai.

Carrabeey, oo hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeynka Galmudug, qaraabo dhowna la ah, Farmaajo, ayay madaxtooyadu u xil-saaratay kulankaas, isagoo kulamo kala duwan oo gooni gooni ah la qaatay shirkadaha doonaya soo Saaridda iyo iib-geynta shidaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka & Macdanta, si daahfuran uma aysan caddeyn, qorshaha socodkooda iyo xogaha la xiriira kheyraadka ay la wadaageen shirkadaha caalamiga ah iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galay madasha.

Inkstoo aan wali la isla ogolaan sharciga Bataroolka, hadana Kooxda Farmaajo, ayaa loogu eedeeyay in aysan u hoggaansamin sharcigaas, isla-maraaka ay si hoose shirkado shidaalka ka ganacsada ula galeen heshiisyo qarsoon, kaas oo caqabad ku noqon kara dowladaha soo socda.

Hoggaanka Dowladda Federaalka, waxaa hore si xooggan loogu dhaleeceyay in ay jebkooda ku shubteen malaayiin doollar oo laga soo qaaday shirkado loo saxiixay ruqsadaha baarista Shidaalka badda Soomaaliya.

Maamulka Puntland, ayaa dhankiisa muujiyay shakiga la xariira in Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday ay xilligan galeyso heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga kuwaas oo lagu xaraashayo khayraadka wadanka.

Tallaabadaan oo aan si buuxda loo caddeyn, waxaa loo fasiran karaa [boob hanti qaran], iyadoo laga duulayo marxaladda doorasho iyo kala-guurka lagu jiro, sidoo kale daah-furnaan la’aantu waxa ay dhaawaci kartaa dadaalkii iyo heshiiska geeddi socodka dayn cafiska ee Soomaaliya lagashay Hay’adda Lacagta Adduunka, (IMF).

Farmaajo iyo Kooxdiisa, ayaa caan ku ah ku takrifalka iyo musuqmaasuqa hantida Qaranka, waxaana la xasuustaa in shir la xariiray arrimaha shidaalka Soomaaliya oo 2019 ka dhacay London, lagu galay heshisyo hoose, kuwaas oo sababay in six un loo xaraasho eyb ka mid ah baloogyada Shidaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.