Soomaali ku dhibaateysan xadka dalalka Belarus iyo Lithuania

Mid ka mid ah Muhaajiriintaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu soo qalday Visa ama dal-ku-gal aysan ku tagi karin halkii ujeedkoodu ahaa in ay tagaan.

Warar Keydmedia Online
 Soomaali ku dhibaateysan xadka dalalka Belarus iyo Lithuania

BELARUS - Ku dhawaad 40 ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ku dhibaateysan xadka ay wadaagan dalalka Belarus iyo Lithuania. Muhaajiriintan oo labo toddobaad ka hor ka soo baxay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ujeedadoodu aheyd sidii ay ku gaari lahaayeen dalka Poland, kaddibna ay uga sii gudbi lahayeen dalka Jarmalka.

Mid ka mid ah Muhaajiriintaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu soo qalday Visa ama dal-ku-gal aysan ku tagi karin halkii ujeedkoodu ahaa in ay tagaan.

‘‘Muqallasiin Soomaali ah oo jooga Turkiga ayaa nagu soo qalday meel aanan ujeedkeenu aheyn, waxay inoo sheegeen in ay nageynayaan Belarus oo aan halkaa bas ka sii raaci doonno, si aan u gaarno Poland, kaddibna uu naga qaado gaari toos inoo geynaya Jarmalka, balse hadda waxaan ku dhibaateysannahay xuduudda Lithuania oo nalagu qalday’’.

Wuxuu intaa ku daray in labo gabdhood oo ay isla socdeen ay u dhinteen qabow daran iyo gaajo, gabdhiniina aysan aasin oo ay uga tageen halkii ay ku dhinteen madama aysan awoodin ay wax u qabtaan.

Muhaajiriintan ayaa sheegay in xaalad adag ay ku heysato xadka ay wadaagaan dalalka Pelarus iyo Lithuania. Balse hadii aysan helin gurmad bani’aadanimo ay ka sii dari karto xaaladooda nololeed.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.