UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Munaasabad loo qorsheeyay in lagu maamuuso sanad-guuradii ka soo wareegaty markii la doortay Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa ayaa baaqatay.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa shaaciyay in la baajiyay munaasabad lagu maamuusi lahaa sanad-guurada koobaad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qabaqaabadii ugu danbeysay ee shirka ka dhacaya caasimadda Galmudug ay ku guda jiraan, sidaas daraaadded ay baaqatay munaasabaddii Sanad-guurada.
“Waxaan rabaa in aan ku war galiyo dhamaan wufuudda noo timid, ee Dhuusamareeb joogta, ee u timid in ay ka qeyb gasho sanad-guuradii koobaad ee ka soo wareegtay doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xegeynka oo qorshuhu ahaa in caawa la qabto in ay dib u dhacday”. Ayuu yiri Cali Ciid.
Qoorqoor oo xilkiisu sanad jirsaday ayaa u muuqda mid fashil dhinac kasta ah ku dhameystay sanadkiisa koobaad waxaana xusid mudan in markii la doortay aan loo sameyn xaflad caleema saar ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments