Munaasabadda sanad guurada 61 -aad ee aas-aadka CXDS

Maanta waxay ku beegantahay munaasabadda sanad guurada 61 -aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Munaasabadda sanad guurada 61 -aad ee aas-aadka CXDS

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta waxay ku beegan tahay Sannad-guuradii 61-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 12 April sanad walba maanta oo kale ayaa munaasabaddan lagu xusaa guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ka mid ahaan jiray Xoogagga Difaaca ugu caansan Qaaradda Afrika. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxey ahaayeen ciidanka ugu xoogan Bariga Afrika, marka laga eego weeninkiisa, lacagta ku bixi jirtay iyo qalabka uu haystay, waxaana markaas weeninkiisa lagu qiyaasaasi jiray in uu u dhaxeeyay 350,000 ilaa 400,000 oo ciidan oo diyaar ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay masuul ka yihiin amniga, amaanka, jiritaanka iyo xoriyada, sharafta iyo kaladembeynta wadanka Soomaaliya. Waxaana loo qeybiyaa ilaa afar qeyb oo qeyb waliba shaqo gaara ah u xil saaran, dhammaantoodna waxaa loogu yeeraa ciidanka qalabka sida:

Ciidanka Milatariga ee qaabilsan xuduudaha iyo difaaca dalka, Ciidanka Booliska oo qaabilsan amniga gudaha dalka sida waddooyinka, suuqyada, xaafadaha iyo xarumaha dowladda, waxayna xarumo gaara ku leeyihiin degmo kasta, Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo iyagana qaabilsan arrimaha sirdoonka la xiriira iyo sugidda amniga, waxaana u badan ciidanka loo yaqaan dhar-cadka.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.