MUQDISHO: Caruur ku geeriyootay derbi ku dumay

Magalaada Muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada dalka waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da'ayay roobab xooggan, kuwaasoo saameeyay nolosha dadka danyarta ah.

Warar Keydmedia Online
MUQDISHO: Caruur ku geeriyootay derbi ku dumay

MUQDISHO, Soomaaliya - Afar carruur ah ayaa ku geeriyootay xero barakacayaal ah oo ku taallo agagaarka Ex-control Afgooye ee duleedka Muqdisho kadib markii uu ku soo dumay derbi ay gabaadsanayeen. 

Goob joogayaal ayaa sheegaya in afarta ruux ee geeriyootay ay kala ahaayen 3 gabdhood iyo 1 wiil, waxaana hada socdo gurmad loo fidinayo. 

Dadka danta yar ee ku nool duleedka Muqdisho ayaa maciin biday in ay hoos galaan dhismayaasha qadiimida ah kadib markii Roobab saacadihii la soo dhaafay da'ayay ay saameeyeen cooshadihii ay deganaayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.