MUQDISHO: Isticmaalka dhuxusha oo dib loogu laabtay

Dib u dhaca doorashada ayaa keentay saameyn xooggan, waxaana guud ahaan taagan dhaqdhaqaaqyada ganasiga, [Dhuufin iyo soo Dejin] taas sababtay sare u kaca qiimaha maciishadda oo dhan

Warar Keydmedia Online
MUQDISHO: Isticmaalka dhuxusha oo dib loogu laabtay

MUQDISHO, Soomaaliya – Inta badan qoysaska ku dhaqan caasimadda Soomaaliya, ayaa dib ugu laabtay isticmaalka dhuxusha, kadib markii uu sare u kacay qiimaha gaaska raashinka lagu karsado, kaas oo sanadihii la soo dhaafay si weyn loola qabsaday.

Sare u kaca qiimaha gaaska oo gaaray ku dhawaaad labo u jibbaar qiimihii hore, ayaa sababay in dib loo camiro suuqyada dhuxusha, taas oo ah tallaabo taban oo lagu qasban yahay, dhiira-galinna u noqon karta dadka sida daran u xaalufiya dhirta.

Soomaaliya oo dhan waxaa laga dareemayaa sare u kaca qiimaha la kala siisto gaaska, waxaana sii dheer in la waayay oo shirkadaha soo dajiya ay yareeyeen caddadkii ay hore dalka u keeeni jireen.

Qoysaska hore u iibsan jiray gaas qiimihiisu ka yar yahay $20, ayaa hadda ku qasbanaaday in ay bixiyaan in ka badan $30, taas oo horseedday in loogu laabto isticmaalka dhuxusha oo qudheeda uu sare u kac ku yimid qiimihii hore.

Inkastoo sare u kaca qiimaha gaaska raashinka lagu kasdo laga dareemayo meelo badan oo dunada ah, hadana, Soomaaliya waxaa xilligaan qaali ah dhamaan maciishadaha kala duwan, waxaana middaas loo aaneynayaa firaaqa hay’adaha dastuuriga ah ee waddanku ku jiro.

Sida ay sheegayaan dadka u ololeeya arimaha degaanka dib ugu laabashada isticmaalka dhuxusha, ayaa ka sii dari karta xaaladda cimilo ee dalka oo aan sanadihii la soo dhaafay fadhin, maadaama Dhuxulleydu si daran u xasuuqi doonaan Keymaha.

Dib u dhaca doorashada ayaa keentay saameyn xooggan, waxaana guud ahaan taagan dhaqdhaqaaqyada ganasiga, [Dhuufin iyo soo Dejin] taas sababtay sare u kaca qiimaha maciishadda oo dhan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.