NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Cabsi aad u xooggan ayaa ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, taasi oo la xiriirta in dagaallo xooggan ay ka dhacaan magaalada.
MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka ayaa hadal-haya abaabulka ciidan ee ay kala wadaan mucaaradka iyo dowladda Farmaajo, iyadoo xilli walbo la filan karo dagaal sanado badan kadib ka dhaca magaalada Muqdisho.
Xubnaha mucaaradka ayaa u arka Farmaajo inuu yahay "kali talis", ayagoo ugu baaqay in uu fuluyo shuruudahooda.
Waxaa qoryo aad u culus lagu soo rakibay dhammaan waddooyinka laga galo Villa Somalia, iyadoo dhanka kale qoryo aad u waaweyn lagu rakibay fooqa sare ee Villa Somalia.
Arintaan ayaa imaaneysa kadib hanjabaadi duqa Muqdisho Cumar Filish oo uu u jeediyay Musharixiinta Mucaaradka, asigoo yiri la dili doono hadii ay isku dayaan inay qalalaase amni ka abuuraan magaaladda, isagoo difaacaya Farmaajo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments