Muqdisho oo ka jirta Caawa Xaalad cusub oo aan horey usoo marin

Taaladda Daljirka Dahsoon iyo nawaaxigeeda waxaa ku sugan Ciidamada Musharixiinta, oo uu hogaaminayo Jeneraal Indha-Cadde.

Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo ka jirta Caawa Xaalad cusub oo aan horey usoo marin

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho waxay Caawa gashay xaaladda ka duwan midii hore, kahor banaanbaxa la qorsheeyay maalinta berri ah, kaasoo ka dhacaya Daljirka Dahsoon.

Ciidanka Haram'cad ayaa lagu soo daadiyay jidadka muhiimka ah, iyadoo dhaq-dhqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha la joojiyay, waxaana jirta cabsi laga qabo in berri la hakiyay socodka, si looga horjoogsado taageeriyaasha mucaaradka inay gaaraan Daljirka Dahsoon.

Dhanka Musharixiinta waxay awoodooda isagu geeyeen goobta uu banaanbaxa ka dhacayo, waxayna degeen huteello halkaasi ka dhaw oo Caawa amaankooda uu la wareegay Jeneraal Indha-Cadda oo hogaaminayo Ciidankooda.

Dad badan ayaa shaki gelinaya inuu dhaci doono banaanbaxa, sababtoo ah wadooyinka la xiray iyo Ciidanka Haram'cad oo guri kasta iridiisa la dhigay, si aysan qofna banaanbaxa uga qeybgalin.

Musharixiinta oo galabta tagay Daljirka, ayaa sheegay in banaanbax\ uu yahay mid nabdoon, oo ay ku doonayaan inay ku cabiraan dareenkooda doorasho la'aanta iyo in Farmaajo si sharci darro ah kusii fadhiyo kursiga, iyadoo uu mudo-xileedkiisa dhamaaday Feb 8.

MD hore, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Ciidanka amniga dowladda inaysan carqaladaynin banaanbaxa oo lagu xoojinayo dowladnimadda iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.