Muqdisho oo qarka u saaran in ay dagaallo ka qarxaan

Waxaa sii xumaanaysa xaaladda magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlayo rasaas xooggan oo u dhaxaysa ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo qarka u saaran in ay dagaallo ka qarxaan

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhawaqa rasaas xooggan u dhaxaysa ciidamo iska soo hor jeeda oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa hadda lagama maqlaya inta udhaxaysa isgoyskada Fagax, Sanco ilaa Afarta jardiino.

Ciidamo gadoodsan oo xalay kasoo baxay jiidda hore ee dagaalka gaar ahaan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa soo gaaray waqooyiga Muqdisho, iyagoo ka careysan muddo kordhinta madaxweyne Farmaajo loo sameeyay ayey saakay la wareegeen Isgoyska Fagax, iyagoo markii dambe kusii siqay degaannada udhaw, waxaana hadda billowday dagaallo goos goos ah u dhaxeeya ciidamo daacad u ah Farmaajo iyo ciidamadii gadoodka sameenayay ee la wareegay Isgoysyada.

Waxaa laga cabsi qabaa in dgaalka uu sii baaho, kuna sii fido degaanno hor leh iyo goobo kale oo baxsan halka ay hadda ka socoto rasaasta.

Wararka la xiriira rabshadaha iyo dagallada kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho ayaan idiin soo gudbin doonaa haddii uu alle raalli ka noqdo

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].