Dareeska Ciidanka Xoogga oo Shacabka Muqdisho lagu dhacayo

Raggaan ayaa isticmaalo xeelado kala duwan xilliyada ay dhaca geysanayaan, iyagoona Koox-Koox u saaran Gaadiidka Mooto Bajaajta oo aan laheyn Taariko lagu aqoonsado, si aan dabagal loogu sameynin.

Warar Keydmedia Online
Dareeska Ciidanka Xoogga oo Shacabka Muqdisho lagu dhacayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhawaanahaan waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay Kooxo hubeysan oo ku labisan dareeska Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaasoo Dil iyo dhac isugu dara dadka Shacabka ah oo dhibanayaal u ah xaaladaha kala duwan ee ka jira magaalada.

Raggaan ayaa isticmaalo xeelado kala duwan xilliyada ay dhaca geysanayaan, iyagoona Koox-Koox u saaran Gaadiidka Mooto Bajaajta oo aan laheyn Taariko lagu Aqoonsado, si aan dabagal loogu sameynin.

Xeeladaha ay adeegsadaan ayaa waxaa ka mid ah in markii ay dhaca geysanayaan ay leerka Mootada dadka indhaha kaga qabtaan, kadibna argagax geliyaan si ay uga qaataan waxa uu heysto, sidoo kale raggaan ayaa mararka isticmaala in ay Mootada ay wataan ku horjaraan qofka ay baaranayaan.

Waqtiyada ugu badan ay dhaca geystaan ayaa ah inta u dhaxeyso salaadda Maqrib iyo Ceshaha waqtiga Muqdisho, iyo aroortii hore oo ay gaadaan dadka u kallahaya goobahooda waxbarasho iyo mid shaqo.

Kooxdaan burcadda ah ayaa ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ama ah Askar hore shaqada looga ceyriyay oo wali heysta dharkooda, waxeyna arintaan tusineysa Musuqa ka jira Ciidamada Dowladda. 

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa kusoo badanaya Caasimada, waxaana yaraaday is aaminaadda ciidanka iyo dadka shacabka ah, maadaana dareeskooda wax lagu dhacayo.

Keydmedia Online ayaa isku dayday in ay la xariirto Afhayeenka Ciidanka Xoogga, laakiin wali Jawaab kama aanan helin. 

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.