Muqdisho waxa ay u baahan tahay Cabdikariin Mooge oo kale

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, ayaa Duqa Gobolka Banaadir ugu baaqaya inuu cashir ka barto Maayarka Hargaysa, isla-markaana wax ka badalo nadaafad xumada ku habsatay Caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Muqdisho waxa ay u baahan tahay Cabdikariin Mooge oo kale

MUQDISHO, Soomaaliya – Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir, oo ah xarunta ay ku shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dalbanaya in maamulka Gobolku wax ka qabto mashaqada nadaafad-darro ee ka taagan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Tan iyo curashadii Gugii hore (Gu’), waxaa magaalada ka sameysmay biyo fariisadyo hor leh, kadib markii ay xirmeen dhuumihii qaadi jiray biyaha oo maamulka Cumar Finish ku fashilmay in ay furaan.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa u muuqada kuwo aan dan ka lahayn nadaafad-darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, taas oo sababi karta cudurro iyo caafimaad darro hor leh oo ku habsada dadka danyarta u badan ee ku dhaqan Muqdisho.

Duqa Muqdisho iyo guud ahaan Guddoomiyayaasha degamooyinka Gobolka Banaadir, ayaa indhaha ka daawanaya, qashinka daadsan waddooyinka, dhiiqada iyo biyaha meel kasta yaala ee roobabku sababeen, kuwaas oo ay caan ku noqotay caasimaddu.

Tan iyo markii la magacaabay Cumar Finish, ma jiro olole nadaafadeed, oo uu qaaday, waxaana la musuqaa miisaaniyaddi loogu talagalay nadaafadda magaalada, taas oo sababtay in ay xirmaan guud ahaan dhuumihii qashinka.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in Cumar Finish, looga baahan yahay  inuu maro waddada uu qaaday maayarka dhawaan-galka ah ee Hargaysa, waxna ka qabto nadaafad darradaa ka jirta magaalada Muqdisho.

Maayarka cusub ee magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, oo maalmo ka hor loo doortay xilka, ayaa billaabay olole dib loogu soo celinayo muuqaalka nadaafadeed ee Hargeysa, wuxuu horkacay boqolaal ruux oo ka howl-galay dooxa Hargaysa oo aan tan iyo burburkii dayactir lagu samayn.

Mooge, wuxuu bulshada magaalada ugu yeeray olole iskaa wax u qabso ah, wuxuuna madaxda shirkadaha waaweyn, culumada, dhaliinyarada, iyo guud ahaan dadka maacaga leh ka codsaday in ka qeyb qaataan wacyi galinta bulshada, si qashinka looga qaado Hargeysa.

Mooge, wuxuu xalay bartiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Facbook, soo dhigay qoraal gaaban, oo ku aaddan in maanta oo Khamiis ah la nadiifinayo Baliga Jigjiga yar! “kaalay oo nala nadiifi Baliga Jigjiga yar, bari oo khamiis ah”.­ Ayuu yiri, Dadka ayaa isgu soo baxay Saacado yar ayaana lagu nadiifiyay sida Dooxii Hargaysa.

Qaar ka mid ah Shacabbka Muqdisho oo la hadlay Keydmedia Online, ayaa sheegay in Muqdisho u baahan tahay Maayar, Mooge, oo kale ah, isla-markaana aan dhiiqada Suud (Suit) iyo igu sawir aan la dhex istaagin.

Haddaba miyaysan ahayn in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxameed ‘Finish’, uu cashir ka barto Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge?

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.