Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan weerar lagu qaadey Afrik hotel oo lagu dilay in ka badan 10 qof, oo Jeneraal Galaal uu ku jiray.
MUQDISHO, Soomaaliya - Diblumaasiyiin reer galbeed ah oo ku sugan Muqdisho ayaa ka digtay weerar argagxiso oo ay suurtagal tahay in lala beegsado goobo muhiim ah, oo ay ku jiraan huteel ku yaalla xeebta Liido.
Ma aysan sheegin waqtiga la filan karo weerarka, balse waxaa lagula taliyay dadka inaysan tagin meelaha bartilmaameedka u noqon kara Kooxda Al-Shabaab, sida huteellada, Maqaayadaha iyo goobo kale ee la isagu yimaado.
Dhaq-dhaqaaqyada aan daruuriga ahayn iyo booqashadda laga maarmi karo waa inay iska joojiyaan dadka ku nool Muqdisho, si looga badbaado khasaaraha weerarka argagaxiso ee laga digay.
Wax yar kahor weerarkii Afrik hotel 1-dii bishan waxaa jirtay digniin noocan ah oo so saartay mid kamid ah Safaaradaha reer galbeed ee degan xarunta Xalane.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments