Muqdisho: 17-ka Degmo oo laga Bilaabay Ololaha Talaalka

Muqdisho (KON) - Maanta ayaa waxaa 17-Degmo ee Gobolka Banaadir ka bilowday maalmaha Caafimaadka, oo ay iska kaashanayaan Wasaarada Caafimaadka Soomaalia iyo Hay’ada UNICEF.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho: 17-ka Degmo oo laga Bilaabay Ololaha Talaalka

Baraamijkaan ayaa waxaa lagu Talaalayaa Caruurta Da’doodu ay ka yar tahay 5-Sano iyo Hooyada Uur kaleh oo ku jira Sanadaha 15-40 si looga Talaalo Cuduro ay ka mid yihiin Dabeesha iyo Jadeecada.

Waxaana uu soconayaa  ololahaan mudo Labo maalin ah oo dhamaan la geenayo Xaafadaha kala duwan ee Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in Baraamijkaan ay ka faa’ideeystaan Caruur iyo Haween u badan Dadka soo Barakacay ee aan awoodin in ay helaan Caafimaad ku filan islamarkaana ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Olole nuucaan oo kalaa laga Fuliyo Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho