Muqdisho: 45 Qof oo lagu qabtay Suuqa Bakaaraha {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Howlgallo ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku soo qab qabtay dad gaaraya 45-Qof.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho: 45 Qof oo lagu qabtay Suuqa Bakaaraha {Dhageyso}

Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ay baaritaanada ka fuliyeen Suuqa ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha, waxaan dadka la soo qabtay ku jira sida uu sheegay Gudoomiyaha Nin watay Bastoolad.

Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa sheegay in ay baaritaano ku sameenayaan dadkaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay soo qabteen.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa maalmahaan Magaalada Muqdisho ka waday Howlgallo lagu xaqiijinayo Amaanka Caasimada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho