Muqdisho: Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo Saaka Baaritaano wada

Muqdisho(KON)-Xalay Sideedii Saac ee Habeenomo ayaa Ciidamada Nabadsugida iyo Kuwa Booliska waxaa ay Baaritaano kula Dhaqaaqeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Holwadaag ee Gobolka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho: Ciidamada AMISOM iyo kuwa  DFS oo Saaka Baaritaano wada

Ciidamada ayaa Baarayey Gurhaya ku yaala Degmada Holwadaag,waxaana Xalay ilaa Saaka Ciidamadu ay Qabten ugu yaraan Dad aan ka yareen 300-Ruux.

Baaritaanka ugu Culus ayaa saaka ka soconaya Iskooyska Holwadaag iyo Taalada Sayedka ee Magaalada Muqdisho.

Waabarigii Saaka ayaa waxaa Howlgalka ku soo biiray Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,kuwaas oo Xiray Sayidka ilaa Baar Bakiin oo u dhaw Isgooyska Holwadaag.

Dadka ku Nool Degmada Holwadaag Saaka intooda badan Waxbarasho iyo Shaqo midna ma aadin oo Guryaha ayey ku jiraan,Xitaa Ciidamadu waxaa ay Diideen Aqoonsi Dadka lagu siidaayo.

Laamaha Amaanka Soomaaliya wali kama hadlin Howlgalka Saaka ilaa Xalay ka soconayey Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Keydmedia online – Xafiska Muqdisho