Muqdisho iyo Howl galo

Waxaa saakay waabarigii ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG ah Soomaaliya ka wadaan degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir Howl galo aan sababtooda la ogeyn.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho iyo Howl galo

Howl galada ayaa waxa ay ka soconayaan degmooyinka Waabari, Xamar Jajab iyo Xamar weyne waxaana wadooyinka Degmooyinkaasi lagu arkayaa ciidamo hubeysan oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in sababta ka danbeysa howl galada in ay tahay kulanka Baarlamaanka ay maanta ku yeelanayaan xarunta golaha Shacabka.

Ciidamada ayaa howl galkooda saakay waxa ay ku qabqabteen shacab iyadoona qaar ka mid ah dadkii la qabtay loo taxaabay saldhigyada ciidamada ay Ciidamada Dowlada fariistaan

Inta badan Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay ka fuliyaan degmooyinka ay joogaan howl galo la sheego in amaanka lagu sugo walow aan marnaba la arkin horumar dhanka amaanka ah oo laga sameeyay degmooyinkaasi.

www.keydmedia.net