Muqdisho oo maalinkii labaad lagu dagaalamayo

MUQDISHO9KEYDMEDIA) Waxaa degmooyin ka tirsan magaalada muqdisho maalinkii labaad ka soconaya dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada oo kaashanaya Amisom iyo Alshabaab.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo maalinkii labaad lagu dagaalamayo

Dagaalka oo ka socda degmooyinka  Hodan , H.wadaag iyo wardhiigley ayaa waxaa ku geeriyooday in ku dhaw 50 ruux iyadoona ku dhawaad 100 qof ay ku dhaawacmeen.

Dhinacyada dagaalmay ayaa kala sheegtay guul, laakiin midkoodna ma soo sheeg qaadin inuu dhabarka u ridinayo mas’uuliyada dhibaatada shacab ee dhankiisa ka timid, laakiin waxay cod mid ah ugu wada hanjabeen in ay dagaalka wadi doonaan tan iyo inta dhanka kale awoodiisa la wiiqayo.

Abaanduulaha ciidamada Milatariga C.kariin dhagabadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay kii shabaab awoodiisa lagu wiiqi lahaa isla markaana dowlada ay sii wadi doonaan dagaalka.

www.keydmedia.net