Muqdisho oo mar kale lagu dagaalamayo

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Waxaa ka socda saakay magaalada Muqdisho dagaal u dhaxeeya Al-shabaab, amisom iyo TFG waxaana dagaalka uu ka socdaa xaafada suqa xoolaha ee degmada Hiliwaa.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo mar kale lagu dagaalamayo

Taliyaasha ciidamada dowlada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ku hanjabeen in maanta ay gabi ahaan kooxda shabaab kala wareegi doonaan muqdisho isla markaana ay u talaabi doonaan Gobalada.

Dadka dagan Suuqa xoolaha iyo deegaanada ku xeeran ayaa sheegaya in Daryanka madaafiicda ay tahay mid xoog badan isla markaana ay aad u walaacsan yihiin.

Duqeymaha ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan waxa ay saameeyaan shacabka soomaaliyeed ee mudada labaatanka sano la daala dhaceysay dhibaatada colaada.

www.keydmedia.net