Muqdisho oo wali lagu dagaalamayo

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Waxaa saakay magaalada Muqdisho dib uga bilowday dagaal u dhaxeeya Shabaab iyo Amisom kaasoo ka socda wadada warshadaha.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo wali lagu dagaalamayo

Labada dhan ayaa wali ku dagaalamaya afaafka wasaarada Gaashaandhiga iyadoona hamiga Amisom iyo dowlada uu yahay in ay la wareegaan shiirkole ilaa Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Shabaab ayaa wada abaabul xoogan oo ay isku daygaas uga hortagayaan, waxaana askarta shabaab  ay wadaan is diyaarin xoog leh oo ay kaga hortayaan ciidamada Amisom .

Dagaalka shalay ilaa maanta ka socda muqdisho ayaa sababay geerida in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca ku dhawaad 50 kale.

www.keydmedia.net