Muqdisho oo xarun Jaamacadeed laga furay

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga furay xarun ay yeelan doonto jaamacda Hope ee magaalada Hargeysa taasoo bixin doonta taqasusaad kala duwan iyo degree sare.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho oo xarun Jaamacadeed laga furay

Kulanka oo lagu qabtay Xarunta Horumarinta Haweenka SOCWE, ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoon yahano, siyaasiyiin iyo arday jaamacad ku dhigata nidaamka dunida ku cusub ee aqoon darsadka  (Correspondent system), halkaas waxaa hadalo tusaale iyo dhiiragelinba isugu jira  ka soo jeediyey Prof. Najiib Sheikh Cabdikariim oo ah hormuudka Jaamacada waxaana uu tilmaamay, faa’iidada ay leedahay guud ahaan aqoon-darsadka iyo gaar ahaan takhasusaadka laga heli karo Jaamacadda Hope ee uu Guddomiyaha ka yahay iyo Jaamacada Kapala University ee uu wakiilka ka yahay.

Prof. Najiib wuxuu sharax kooban ka bixiyey Jaamacadda iyo baahidda waxbarasho sare ee ay dalka ka dabooshey guud ahaan gaar ahaan magaalada Hargeysa oo ay xarunta dhexe ku taal.

 “Jaamacada Waxay bixisaa Waxbarashada Caafimaadka Guud “Public Health”, Xirfada Sheybaar-ka “ Lab-Technician”  oo isugu jirta heer jaamacadeed (Bachelor degree and Post-graduate) iyo Takhasusaadka ay iska kaashadeen.

Wuxuu xusay in degree-ga Master-ka laga diyaarinayo kala yihiin: International Relations & Development Studies oo leh koorsooyin kala duwan, dooran kartana takhasuska aad doonto, taasoo ay raacayaan Communication, Research Methodology iyo hadba koorsada aad qaadanayso.

Max’ud Max’ed Ibraahim oo ka mid ah ururada bulshada rayidka isla markaana jaamacadaasi iminka shahaadada sare ka diyaaraya ayaa sheegay in aqoon wanaagsan uu ka bartay jaamacada isla markaana uu ka faa’ideestay isaga oo dalkii hooyo ku nool.

Xarunta jaamacadeed ee maanta laga furay Muqdisho ayaa waxa ay imaaneysaa xili magaalada muqdisho ay dagaalo ka socdaan isla markaana dadka Soomaaliyeed ay dhimasho, dhaawac iyo barakac la kulmayaan, waxaana muuqaneysaa in dadka niyad ahaan ay dhisan yihiin oo ay yihiin kuwa horumar iyo waxbarasha doonaya.

Www.keydmedia.net