Muqdisho: Saldhig la Weeraray // Sargaal Al-shabaab ah oo la qabtay

Muqdisho (KON) - Koox hubeeysan ayaa Xalay Weeraray Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana Dagaalka Soo qaaday Maleeshiyaadka Al-shabaab Al-Qaa’ida.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho: Saldhig la Weeraray // Sargaal Al-shabaab ah oo la qabtay

Saqdii dhexe ee Xalay ayay aheyd markii Maleeshiyaadka Al-shabaab ay Weerar Dhowr Jaho ah ku soo Qaadeen Saldhiga Degmada Hiliwaa.

Dadka Deegaanka ayaa Keydmedia Online u sheegay in Xalay ay ku soo baraarugeen Daryanka Rasaas aad u Xoogan oo Labada dhinac ay is weeydaarsadeen.

Weerarka Xalay ayaan la ogeen Khasaaraha ka dhashay, waqtiga oo Habeen ahaa, balse waxaa jira Warar Madaxbanaan oo sheegaya in Maleeshiyadka Al-shabaab uu khasaaro Xoogan ka soo gaaray Weerarka.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Booliska  ee Degmada Hiliwaa ayaa Saaka Soo bandhigay mid kamid ah Kooxihii Xalay Weerarka ku soo qaaday Saldhiga.

Shaqsigaan ay qabteen Ciidamada Degmada Hiliwaa ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa ganacsatada Degmada Hiliwaa, kaas oo baaritaan lagu haayo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho