Howlgallo ka socda Muqdisho

Muqdisho (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Saaka Baaritaano ka Wada Magaalada Muqdisho ee Caasimada.
Warar Keydmedia Online
Howlgallo ka socda Muqdisho

Xaafadaha Baaritaanada Ciidamada ay ka wadaan ayaa waxaa ka mid ah Xaafada Gubta ee Degmada Dayniile iyo Xaafada Toowfiiq iyo Carafaad oo ka wada tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Baartiaanada wada ayaa ah, Ciidamada AMISOM, Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida ee Alpha Group loo yaqano.

Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia Online u sheegay in Ciidamada ay dad badan ka qab qabteen Xaafadaha ay Baaritaanada ka wadaan Saaka, inkastoo aan la sheegin tirada Dadka la soo qab qabtay.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Labo Qof oo Rayid ah ay Saaka ku Toogteen Xaafada Barqaawo ee Degmada Deyniile.

Waxaa la sheegay in Dadka la Dilay ay ahaayeen Wiil Dhalinyaro ah iyo Nin Oday ah, lamana oga Ujeedka Dilka ay ugeeysteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Keymedia Online - Xafiiska Muqdisho