Murashax MW oo soo dhaweeyay habraacyada doorashada

Waxaan wali caaddeyn mowqifka Golaha Midowga Musharixiinta, ay ka qaateen habraacyada shalay la saxiixay, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaana maalmihii la soo dhaafay caan ku noqday soo dhaweynta dhacdooyinka la falgala siyaasadda ee ka dhaca dalka.

Warar Keydmedia Online
Murashax MW oo soo dhaweeyay habraacyada doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Galmudug, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Sahan, Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa si weyn u soo dhaweeyay, habraacyada ay shalay saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta, Madaxda Maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guuleed, wuxuu sheegay in dalku u baahan yahay horu-socod iyo in hey’adihiisa dastuuriga ah dib loo soo doorto. “Danta guudna laga hormariyo danta gaarka ah”.

“Daraasad iyo wadatashi dheer ka dib waxaan soo dhaweynayaa natiijada ka soo baxday shirka golaha wada tashiga Qaran iyo habraacyada kabaya heshiiskii 17 September ee uu golahu soo saaray”. Ayuu yiri yiri Guuleed.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, wuxuu intaas ku daray in madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo gudiyada loo igmaday doorashooyinka loogaa fadhiyo “in ay xil weyn iska saaraan habsami u qabsoomidda doorashooyin hufan oo ay bulshada Soomaaliyeed ku  kalsoonaan karto”.

Waxaan wali caaddeyn mowqifka Golaha Midowga Musharixiinta, ay ka qaateen habraacyada shalay la saxiixay, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaana maalmihii la soo dhaafay caan ku noqday soo dhaweynta dhacdooyinka la falgala siyaasadda ee ka dhaca dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dhankiisa duray habraaca ay saxiixeen Golaha Wada-tashiga, wuxuuna muujiyay in habraacaan uusan waxba ka duwanayn kuwii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.