Mursal iyo Muudey oo ku biiray Shirka Musharixiinta

Waxay wararku sheegayaan in labada Mas'uul ay wakiil ka yihiin Farmaajo, oo usoo diray inay ka qaboojiyaan mowjadaha ku kacsan.

Warar Keydmedia Online
Mursal iyo Muudey oo ku biiray Shirka Musharixiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee BF Maxmaed Mursal iyo ku-xigeenkiisa 1aad Muudey ayaa Caawa fiidkii tagey hotel-ka Jazeera, halkaasoo uu shir mudo 3 maalmood uga socda Mushariixinta Madaxweyne.

Mursal iyo Muudey ayaa la fariistay Musharixiinta oo gaaraya 14, kana mid yihiin Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaana la ogeyn ujeedka ay u tagaan, balse KON ayaa heshay xog hoose oo ku saabsan inuu soo dirsaday Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in Mursal iyo Muudey ay kala hadlaan Mucaaradka, maadaama Kulankooda uu noqday mid saameyn yeeshay, islamarkaana cadaadis kala kulmayo beesha Caalamka.

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa qoraal ay soo saareen ugu sheegay Farmaajo in laga doonayo doorasho loo dhan yahay inuu dalka ka qabto, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta saamileyda siyaasadda, si dalka looga samatabixiyo marxaladda uu ku jiro.

Waxay Musharixiinta dalbanayaan in xubnaha katirsan NISA iyo Shaqaalaha dowladda laga saaro gudiyadda doorashooyinka, si loo qabto doorasho hufan oo u siman yihiin dhamaan dhinacayada xilka sare ee dalka u tartmaya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.