Mursal: Ma aqabaleyno Doorasho dadban

Waxuu sheegay in Maamul Goboleedyada aysan shaqo ku lahayn arrimaha doorashadda, maadaama Baarlamaanka uu yahay hay'adda sharci dejinta dalka oo u xilsaaran meel marinta xeerarka la xiriira doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Mursal: Ma aqabaleyno Doorasho dadban

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa kahor yimid war-murtiyeedkii dhawaan Madaxda Maamul Goboleedyada kasoo saareen arrimaha doorashadda Soomaaliya, ee la isku khilaafsan yahay nooca ay noqon doonto iyo waqtiga la qaban karo.

"Ma aqbalayno doorasho dadban, iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashooyinka...wixii shuruuc ah ee doorasho lagu gali lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka, ee ma lahan Dowlad Goboleedyada... ma jirto meel ay ku qoran tahay ma jirto in xiligan la aado doorasho dadban,: ayuu yiri Mursal.

Hadalka gudoomiyaha ayaa u muuqda inuu jawaab u yahay go'aankii Maamul Goboleedyada dhawaan ku gaareen Shirkooda Dhuusamareeb, ee ahaa in Soomaaliya sanadkaan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ugu baaqay Farmaajo inuu kala tashado saamileyda siyaasada nooca doorasho ee suurtagalka ah in la qabto.

Mursal waxaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay mushkiladda dalka ka jirta ee la xiriirta doorashooyinka, isagoo khilaaf kala dhaxeeya afhayeenka Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo dhawaan sheegay in Gollaha Shacabka uu bedelay xeerarkii dhamaystirka sharciga doorashadda kaasoo gudiga labada aqalka ay soo diyaariyeen.

Mudo kordhin uu samaysto maamulka Farmaajo ayaa aad looga cabsi qabaa, iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ay ka digayaan in dalka loo horseedo qalalaase horleh, oo ka dhalata doorashadda la doonayo in dib loo dhigo sanadkan.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.