Mursal oo iclaamiyay kulankii Baarlamanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isugu yeeray mudanayaasha Golaha Shacabka maalinta Sabtida ah, sida uu codsaday Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Mursal oo iclaamiyay kulankii Baarlamanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mursal ayaa iclaamiyay kulan gaar ah, kaasoo uu codsaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo. 

"Dhammaan waxaa xillibaanada laga codsanaayaa inay soo xaadiraan kulanka maalinta sabtida ah ay yeelanayaan Golaha shacabka" ayaa lagu yiri farriin qoraal ah oo loo diray mudanayaasha Baarlamanka.

Madaxweynaha oo jeediyay xalay saqdii dhexe khudbad dheer oo u muuqatay mid dardaaran ah, islamarkaana ay wax iska baddaleen mowqifkiisii hore ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka uu dib ugu celin doono maalinta Sabtida ah go'aankii doorashada.

"Waxaan aaminsanahay, mar walbana aan aaminsaneen in heshiiskii doorashada ee 17 -ka Sebtember uu yahay xalka kaliya ee doorashada" ayuu yiri Farmaajo oo u muuqday in uu yahay mid qasban.

Mudanayaasha ayaa loo sheegay in ay soo xaadiraan fadhiga:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.