Mursal oo mar kale shaaciyay in Baarlamanku sii shaqeyn doono

Guddoomiye Maxamed Sh.Cabdraxmaan Mursal oo horay u sheegay inuu sii shaqeyn doono BJFS ee uu Af-hayeenka u yahay tan iyo inta laga soo dhisayo baarlaman kale oo baddala ayaa mar kale ku celiyay hadalkaas.

Warar Keydmedia Online
Mursal oo mar kale shaaciyay in Baarlamanku sii shaqeyn doono

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Mursal ayaa maanta markale ku celiyay in baarlamanka uu guddoomiyaha ka yahay uu sii shaqeyn doono tan iyo inta laga soo dooran doono Baaralamankii baddali lahaa oo laga dhaarinayo.

Hadalka guddoomiyaha ayaa dad badani u fasirteen muddo kororsi dadban, inkastoo uusan waqti rasmi ah ku asteyn haddana wuxuu si cad u sheegay in uu sii shaqeyn doono baarlamanka haddii la dhaafo waqtigii ay ahayd in uu ka dhammaanayo muddo xileedkii Golaha Shacabka BJFS.

Horay ayaa loo hadal yahay in dowladda hadda jirta ay aad u daneeneyso sidii ay muddo kororsi u sameysan lahayd. Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey ayaa hor timid Baarlamanka Soomaaliya iyadoo codsatay si loo qabto doorasho qof iyo cod ah waa in muddo sanad ah lagu daro, taasoo fal celin kala duwan kala kulantay bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda iyo weliba Dowlad goboleedyada oo iskaba diiday hadalka Xaliimo Yareey.

Guddoomiye Mursal ayaa isagoo u muuqda in uu farriin diyaro Golaha Shacabka BJFS hortiisa ka sheegay in uu sii shaqeyn doono inta laga soo dhisayo Baarlamankii baddali lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.