Mursal oo RW Rooble ugu baaqey inuu ka shaqeeyo 3 arrimood

Kadib markii shalay si aqlabiyd leh loo ansiyay, Ra'iisul wasaare Rooble ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay Villa Soomaaliya ugu tagey gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal, isagoo uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatey inuu helo kalsoonida Baarlamanka.

Warar Keydmedia Online
Mursal oo RW Rooble ugu baaqey inuu ka shaqeeyo 3 arrimood

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa siiyay Ra'iisul Wasaare Rooble tallooyinka ku aadan waxa ugu muhiimsan ee laga doonayo inuu qabto, maadaama uu haysto waqti aad u yar.

Talo soo jeedinta ayaa timid kadib markii RW Rooble uu xalay gurigiisa ugu tagey Mursal, si uu ugu mahadceliyo kaalintii uu ka ciyaaray in Xildhibaanada Gollaha Shacabka ay siiyaan codka kalsoonida Maalintii shalay.

Kulanka waxaa sidoo kale xaadir ahaa gudoomiye ku xigeenka kowaad C/wali Muudey.

Mursal ayaa u sheegay Rooble inuusan isku mashquulin arrimo badan, balse uu diiradda saaro doorashooyinka, amniga iyo dhaqaalaha, si looga faa'idaysto mudada kooban oo u haray dowladda, oo horey 3 sano iyo bar ku lumisay arrimo aan danaha qaranka ku jirin.

RW Rooble ayaa looga fadhiyaa Golle Wasiiro inuu kusoo magacaabo mudo yar, waxaana looga digay inuu isku mashquuliyo raadinta shaqsiyaad cusub, iyadoo tallooyinka la siinayo ay kamid tahay in Wasiiradii hore soo celiyo, isagoo boosaska u kala bedelaya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.