Muruq-maalka Dakada oo cabasho muujiyay

Shaqaalaha Muruq-maalka ee ka xoogsada dakada weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa cabasho balaaran waxa ay ka muujiyeen Maamulka Dakada.
Warar Keydmedia Online
Muruq-maalka Dakada oo cabasho muujiyay

Cabashada dadkan ayaa ku qotanta daryeel la'aan ay sheegeen in ay kala kulmeen mas'uuliyiinta dakada Muqdisho, iyagoona xusay in xushmadii iyo karaamadii uu lahaa shaqaalaha aanay helin.

Qaar ka tirsan Shaqaalahan oo maanta warfidiyeenka kula hadlay afaafka hore ee dakada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dhibaatada hada heysata mid la mid ah aanay abid soo marin.

Xaji Cabdi Dhuxulow oo ah gudoomiyaha shaqaalaha Muruq-maalka ayaa xusay in la duudsiyay xaqoodii waxaana cod dheer uu uga dalbaday Maamulka sare ee Dowlada in arimahaasi ay soo fara galiyaan.

Tan iyo Markii ay dib u howl bilowday dakada muqdisho sanadkii 2006 waxaa isaga danbeeyay Maamulo kala duwan waxaana mar walba oo uu is badal maamul dhaca la maqlaa cabasho iyo ashtako hor leh.

Keydmedia.net