Museveni oo ku hanjabay inuu Ciidamadiisa ka saarayo AMISOM

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa ku hanjabay inuu ciidamada dalkiisa kala baxayo howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Museveni oo ku hanjabay inuu Ciidamadiisa ka saarayo AMISOM

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa ku hanjabay inay suuragal tahay inuu go’aansado in Ciiddanka Uganda ee ka tirsan Howl-galka Nabad Ilaalinta (AMISOM) uu ka soo saaro Soomaaliya, sababo la xiriira is-maandhaafka Siyaasadeed ee ka jira dalka ay dhamaadeen muddadii sharciga ahayd ee hay’adaha Dowladda.

Museveni wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hareeyeen muranno iyo is -qabqabsi u dhexeeya madaxda, taas oo uu ku tilmaamay "AIDS siyaasadeed", (“political AIDS”).

Waraysi uu siiyay telefishanka France24, ayuu Museveni ku sheegay inuu ka daalay murannada siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee ka socda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay si hoose ku xalliyaan khilaafaadkooda siyaasadeed si loogu gogol xaaro nabadeynta dalka dagaalladu halakeeyeen.

“Haddii taasi la xallin waayo, xitaa haddii la keeno 100,000 oo askari oo AMISOM ah, ma xallin doonaan dhibaatadan”.  Ayuu yiri Yoweri Museveni.

Ma’aha markii koobaad, ee Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, uu ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wuxuuna dhowr jeer oo hore sheegay hadallo uu ku durayo Dowladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.