Musharax Madaxweyne Dhuxulow oo xaflad laga hor istaagay

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo kamida musharaxiinta utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga hor istaagay Xaflad uu caawa ku qabsan lahaa magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Musharax Madaxweyne Dhuxulow oo xaflad laga hor istaagay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay xaflad Muqdisho uu ku qabsan lahaa Musharax Madaxweyne Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuluxow oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in laga hor istaagay kulan uu la lahaa dhalinyaro dhan 500, oo ah hoggaanka dhalinyarada Gobolka Benaadir.

Xafladda musharaxa ayaa loo qorsheeyay in ay ka dhacdo Hoteelka Afriik ee magaalada Muqdisho, iyadoo xilliga la joojiyay inta badan dhalinyarada ay soo galeen hoteelka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sababta keentay in la joojiyo xafladda.

Dhaqdhaqaaqyada magaalada muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo maanta la dul dhigay ciidamo waddooyinka magaalada Muqdisho ugu waa weyn, qaarna la xiray, sidoo kale guryaha iyo xarumaha musharaxiinta ayaa iyagana kor laga ilaalinayay dhaqdhaqaayda ka socda, waxaa sidoo kale la xiray dhallinyaro xiriir la leh musharaxiinta kasoo hor jeeda madaxweyne Farmaajo, waxaa qasan guud ahaan magaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.