Musharax shaaciyay waxa kordhiyay Qaraxyada Muqdisho

Cabdikariin Xuseen Guuleed wuxuu soo noqday dowladdii Xasan Sheekh Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga kadibna Madaxweynaha Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Musharax shaaciyay waxa kordhiyay Qaraxyada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in dayaca uu Farmaajo amniga dayacay inay keentay korarka Qaraxyadda magaalada Muqdisho.

"Waxaa muuqata in Dowladdu ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka gaar ahaan midkii Caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taasoo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka argagixisada. Waxaana taas marqaati u ah falalkii dhacayey mudooyinkii isbuucyadii dhaafay," ayuu yiri Guuleed.

Al-Shabaab ayaa bishan kaliya Caasimadda ka fulisay in ka badan 10 Qarax, oo miino u badnaa, kuwaasoo ay ku dhinteen Mas'uuliyiin iyo dad kaloo shacab ahaa, sida Laamaha Amniga ay sheegeen.

Markii la gaaro kala-guurka, waxaa caado ah inay Madaxda xilka haysa ay ku mashquulaan doorashadda iyo sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen, iyadoo la iska illoobo mas'uuliyaddii qaranka, gaar ahaan amniga.

Al-Shabaab oo ka faa'idaysanaysa Mashquulka madaxda ee doorashadda indhahooda kusii jeedaan, ayaa kordhisay Qaraxyadda ay ku laynayso dadka ku jira dowladda iyo kuwa indhaha u ah bulshadda.

Waxaa ugu dambeysay Maanta, oo Qarax ka dhacay meel u dhaw Beexaani lagu dhaawacay labo Xildhibaan oo hore, islamarkaana lagu dilay ugu yaraan 3 Askari oo ilaalo u ahayd oo Gaari nooca Hiluz dusha ka furan saarnaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.