Musharax loo diiday in uu gallo Garoowe

Gaalkacyo (KON) - Maamulka Cabdirixmaan Faroole ayaa Maanta u diiday Musharax Shire Xaaji Faarax, oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan in ay u tartamaan Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland in uu gallo Magalaada Garoowe.
Warar Keydmedia Online
Musharax loo diiday in uu gallo Garoowe

Ciidamo ka amar qaata Cabdirixmaan Faroole ayaa Maanta Musharax Shire Xaaji Faarax iska hortaageen in uu gudaha u galo Garowe, Islamarkaana kala Eriyay Dad doonayey in ay soo dhaweeyaan.

Musharax Shire Xaaji Faarax ayaa ka yimid Magaalada Boosaaso oo uu maalmahaan ku sugnaa, asagoona Dib ugu laabtay isla Magaalada Boosaaso.

Warar soo gaaraya Xafiiska Keydmedia Online ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in Shire Xaaji lagu Amray in uusan Magaalada la soo gali karin wax ilaalo ah, taasna uu diiday kadibna uu Magaalada Duleedkeeda ka laabtay.

Musharaxa ayaa watay Laba Gaari oo tikniko ah, wuxuuna sheegay in Faroole uu danno gaar ah lahaa oo aan loo Celin Ammi darro Awgeed.

Faroole ayaa hore Musharaxiinta u jeediyey in aysan wax Hub ah ku dhex qaadan karin magaalooyinka Maamulka Puntland, ayadoona Musharaxiinta in tooda badan ay diideen hadalka Faroole.

Cabdirixmaan Faroole ayaa Doorashada Maamulka Puntland ka noqday Musharax iyo Garsoore.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo