Musharaxiinta Hirshabeelle oo khudbad jeedinaya

Doorashadda ayaa lagu wadaa inay dhacdo berri, 11-ka November 2020, waxaana xilka Madaxweynaha isku soo sharaxay labo musharax, oo mid kamid ah Villa Somalia wadato.

Warar Keydmedia Online
Musharaxiinta Hirshabeelle oo khudbad jeedinaya

JOWHAR, Soomaaliya - Afar musharax oo shalay la diiwaangeliyay, ayaa Maanta khudbado u jeedinaya Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle, maalin kahor doorashadda Madaxweynaha oo berri dhacaysa.

Cali Guudlaawe, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa Madaxweyne ku-xigeen, kana soo jeeda beesha Abgaal iyo musharax kale oo lagu magacaabo C/raxmaan Jimcaale ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha, iyadoo gudoomiyihii hore ee Hiiraan Yuusuf Daba-Geed iyo Maxamed Dheere ay ku tartamayaan xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

Hadal-jeedintooda ayaa ah mid la wada sugayo maanta, iyagoo soo bandhigi doono barnaamijkooda siyaasadeed iyo taariikh nololeedkooda oo ay uga sheekayn doonaan Xildhibaannada, sida uu sheegay gudoonka Baarlamaanka.

Hanaanka lagu doortay hogaanka cusub ee Baarlamaanka ayaa noqday mid musuq-maasuq iyo cod iibsasho hareysay, iyadoo ay kusoo baxeen Musharaxiinta Villa Somalia.

Waare oo is-casilay maalmo kahor ayaa sheegay in doorashadda Hirshabeelle uu ka jiro degdeg, isagoo tilmaamay in labadii maamul ee ugu dambeeyay sababta ugu fashilmeen hogaanka ay ahayd in si boobsiis ah lagu dhisay, iyadoo khilaaf jiro.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.