Musharaxiinta oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Afisiyooni

Qaar kamida musharaxiinta utaagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirka maanta ka furmay Teendhada Afisiyooni

Warar Keydmedia Online
Musharaxiinta oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Afisiyooni

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya uu maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho kaasoo u dhaxeeya Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxmed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ayaa waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiin badan.

Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhaweeyay shirka maanta furmay waxa uuna yiri "Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashiga qaran ee maanta horudhiciisa furmay. Waxaan rajaynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xariira fulinta heshiiska doorasho ee 17 -kii September. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad kala dhantaalan oo degdeg loogu baahan yahay doorasho, si loo helo hoggaan iyo dawlad sharciyad leh."

Musharax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa yididiilo wanaagsan ka muujiyay shirka waxa uuna yiri "Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaran yahay inaan u howl galno taabagalinta iyo najaxinta shirka, si dalka oga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah."

Musharrax madaxweyne Jabriil Cabdulle ayaa dhankiisa tilmaamay in ay rajo wanaagsan jirto, waxa uuna yiri "Waxaa ii muuqata yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qaybgalaysa shirka taas oo astaan fiican u ah in ay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka.

Dalka waxaa uu ku jiraa xalad adag oo kala guur ah taas oo u baahan tanaasulaad si loo jiheeyo masiirka iyo mustaqbalka ummadda. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in aanan la lumin dadaalladii lagu bixiyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya."

Jabriil Cabduule ayaa la dardaarmay madaxda ka qeyb galeysa  waxa uuna kusoo gabagabeeyay hadalkiisa "Waxaan mar kale u sheegayaa madaxda maanta ka qaybgalaysa Shirka Wadatashiga Qaran in ay qaataan go’aano geesinimo leh si xal loogu helo caqabadaha hor taagan geeddi-socodka doorashooyinka."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.