Musharixiin diiday Doorasho loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho

Qoraalka waxay ku sheegeen inaysan ka qeyb-gali doonin doorasho ay maamulayaan guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan NISA.

Warar Keydmedia Online
Musharixiin diiday Doorasho loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen 12 musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Farmaajo uu doonayo boob iyo ku shubasho codadka doorashadda Febuary 2021.

Musharixiinta oo ay kamid yihiin Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in hadii aan si deg deg ah loo xaqiijin madax-banaanida gudiyadda doorashooyinka ay qaadici doonaan ka qeybgalka tartanka.

“Hadaba, waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka ayaa lagu yiri," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxay sheegeen inay ka cabsi qabaan Farmaajo inuusan hir-gelinta doorasho hufan oo leysla oggolyahay, kuna dhacda muddada kooban ee harsan, iyadoo la raacayo heshiiskii saamileyda saamileyda siyaasadda ee doorashooyinka 2020-21.

Fahad Yaasiin ayaa dejiyay istaraatiijiyad cusub oo ku doonayo inuu Farmaajo kursiga kusii hayo, isagoo u maraya inuu Xildhibaanno ka dhigo shaqaalaha Villa Somalia iyo NISA, kuwaasoo laga soo dooran doono Maamullo isaga uu dhisay, oo madaxda joogto ay isaga ka amar qaataan.

KEYDMEDIA ONLINE ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay Warbixino badan kasoo qortay sida loo musuq-maasuqay guddiyadda doorashooyinka iyo shaqsiyaadka la magacaabay oo laga soo xulay Villa Somalia iyo Nabad Sugidda, waxeyna KON u dirtay warbixintaas dhamaan Xafiisyadda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka. 

HOOS KA AKHRI QORAALKA:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.