Musharixiinta Farmaajo ee Axmed Madoobe magacaabaya

Waa afar shaqsi oo aad ugu dhaw Farmaajo, kuwaasoo la sheegay in liiskooda loo diray Kismaayo, si uu Axmed Madoobe digreeto ugu soo saaro magacaabistooda.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta Farmaajo ee Axmed Madoobe magacaabaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Loolanka Mareexaan iyo Ogaadeen ee maamulka Gedo ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo uu RW Rooble ku dhex-jiray labada dhinac sidii meel dhexe oo ay kuwada shaqeyn karaan la isagu keeni lahaa.

Maadaama uu dalka galaya doorasho, loona baahan yahay tanaasul badan si xaaladda kala-guurka looga gudbo ayaa waxaa lagu heshiiyay in reer Gedo ay iyagu soo doortaan maamulka Garbahaarey, oo ah xarunta 2aad ee loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashadda Xildhibaanada Jubbaland kasoo galaya Baarlamaanka 11-aad.

Dood dheer iyo is-jiid-jiid badan kadib, waxay shacabka iyo mas'uuliyiinta Garbahaarey isku raaceen afar xubnood oo Farmaajo usoo gudbiyay, kuwaasoo loo diray Kismaayo, si uu Axmed Madoobe ugu soo saaro magacaabistiida digreeto Madaxweyne.

Musharixiinta xilka Gudoomiyaha Garbahaarey waa Nuur Sheekh Maxamed Jaamac iyo Cali Xaaji Diiriye Sakiin halka Aadan Cismaan Nuur iyo Xuseen Baliil Cabdi u sharaxan yihiin xilka ku-xigeenka gudoomiyaha.

Waxaa la filayaa in Axmed Madoobe ku dhawaaqo magacaabistooda, inta uu Rooble ku sugan yahay Garbahaarey oo la filayo inuu Maanta oo Sabti ah gaaro, isagoo halkaasi kula soo kulmi doono dadka degaanka iyo Mas'uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo.

Garbahaarey waxay ahayd xukunta khilaafka doorashadda, waxaana kuraasta magaaladda lagu dooranayo oo 16 gaaraya isku haya Farmaajo iyo Axmed Madoobe, oo midba midka kale doonayo inuu soo saaro xubno isaga uu wato.

Farmaajo ayaa ka fara-maroojiyay Axmed Madoobe sanadkii tagey gebi ahaanba maamulka Gedo, isagoo Ciidan uu ka diray Muqdisho oo Beesha Mareexaan u badan ay meesha ka saaraan maamullada Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq, ee laga soo magacaabay Kismaayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.