Musharixiinta oo ka digay mudo-kordhinta Farmaajo

Waxay ka digeen in dalka dagaal la geliyo, islamarkaana Baarlamaanka waqtigiisu dhamaadey uu mudo kordhin sharci darro ah u sameeyay Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta oo ka digay mudo-kordhinta Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta, ayaa soo saarey qoraal ay uga digayaan Farmaajo inuu sameysto mudo-kordhin hal sano ah xili 7 maalmood uga hartay waqtigiisa.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen Shirka Dhuusamareeb, oo ay ku tilmaameen fursad xal waara looga gaari karo khilaafka doorashadda hadii uusan Farmaajo kusoo darin ajnadaha qodobo kala-tag keeni kara.

Musharixiinta ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan 13-ka Kursi ee Aqalka Sare laga siinayo gobolka Banaadir, maadaama uu baal-marsan yahay dastuurka islamarkaana uu jebinayo qodobka 79-aad.

Ugu dambeyn, waxay Musharixiinta ku baaqeen in Shirka Dhuusamareeb la ballaariyo oo laga qeybgeliyo Mucaaradka DF iyo Bulshadda Rayidka si go'aanada kasoo baxi doono u noqdaan kuwa loo dhan yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.