Musharixiinta oo ka hadlay dhex-dhexaadinta muranka doorashadda

Waxay uga digeen Farmaajo inuu carqaldeeyo dedaallada ay wadaan Deni iyo Qoor Qoor ee lagu xalinayo khilaafka arrimaha doorashadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta oo ka hadlay dhex-dhexaadinta muranka doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa soo saarey qoraal ay kusoo dhaweeyeen go'aanka Madaxda Galmudug iyo Puntland ee dhex-dhexaadinta khilaafka doorashadda.

"Gollaha Midowga Musharixiinta waxay bogaadinayaan dedaallada labada Maamul, ee dhex-dhexaadinta Ismari-waagga maamulka doorashooyinka dalka," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mucaaradka.

Waxay ugu baaqeen hogaamiyeyaasha Maamullada kale ee dalka inay kaalin wanaagsan ka qaataan xalinta khilaafka taagan, oo hadda gaarey meeshii ugu xumayd, kadib markii Farmaajo uu dhegaha ka fureysay baaqyadda mucaaradka, islamarkaana gudiga lagu muransan yahay ee doorashadda ku dhawaaqey Arbacadii jadwalka soo xulista Xubnaha Aqalka Sare.

Ugu dambeyn, waxay Musharixiinta ka digeen isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dedaallada socda ee Qoor Qoor iyo Deni, islamarkaana Villa Somalia ay qabato doorasho aan u dhameyn dhamaan saamileyda siyaasadda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.