Musharixiinta oo markale shir uga furmay Muqdisho

Shirka ayaa kusoo beegmaya xili Farmaajo uu wajahayo cadaadis uga imaanaya Beesha Caalamka, oo ku aadan inuu faragelinta ka daawo arrimaha doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta oo markale shir uga furmay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho Maanta ka furmay shir kale oo Musharxiiinta isagu yimid, kaasoo looga arinsanayo arrimaha doorashadda iyo xaaladda siyaasdeed ee dalka.

Waxaa ku sugan kulanka oo ka socda Jazeera Hotel Madaxweyniyeyaashii hore iyo Musharixin gaaraya illaa 10, kuwaasoo ka doodaya tallaabooyinka ay qaadi doonaan mar hadii doorashadda ay qaadaceen.

Wararka ayaa sheegaya in Musharixiinta ay ka fekerayaan inay dhisaan Golle Qaran, oo dalka taladiisa kala wareega Farmaajo, si looga badbaadiyo Soomaaliya dagaal sokeeye oo kale.

Musharixiinta waxay diideen boobka doorashadda, waxay sheegeen inaysan aqbali doonin natiijadda, taasoo keentay walaac Beesha Caalamka ka muujisay mustaqbalka dalka.

Rooble ayaa lagu eedeeyay halkii uu wax ka sixi lahaa inuu ku baaqey in doorashadda lasoo wado, oo si deg ah lagu soo gaba-gabeeyo kahor inta uusan sanadkan 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.