Musharixiinta oo shir deg-deg ah ka yeeshay boobka doorashadda

Shirka ayaa waxaa lagu muujiyay inay Musharixiinta aad uga xun yihiin sida doorashadda ku socoto, ee boobka kuraasta iyo daah-furnaan la'aanta.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta oo shir deg-deg ah ka yeeshay boobka doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa Maanta shir deg deg ah isagu yimid Jazeera hotel, kaasoo ay uga doodeen arrimaha doorashadda iyo boobka socda.

Shirka oo gudoomiyay Sheekh Shariif, oo ah gudoomiyaha Midowga Musharixiinta, ayaa diiradda ku saareen sidii looga hortagi lahaa kooxda Villa Somalia ee doorashadda afduubtay.

Musharax Daahir Geelle, oo Afhayeen u ah Midowga ayaa saxaafadda u sheegay inay go'aan ku gaareen mucaaradka in Soomaaliya laga qabto Farmaajo qirshooladda uu u maleegayo.

Wuxuu sheegay inay billaabi doonaan Musharixiinta kulamo joogto ah, oo ay la qaadan doonaan Bulshada qeybaheeda kala duwan, Saraakiish Ciidanka iyo Beesha Caalamka.

Musharixiinta ayaa ku tilmaamay doorashadda socoto mid ka duwan wixii lagu heshiiyay Sep 17, sanadkii tagey taasoo ahayd in codbixintu noqoto mid hufan, oo loo dhan yahay tartanka.

Farmaajo iyo Kooxda uu wato ayaa ka wada Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug oo madaxda maamusha iyaga hoos yimaada boobka kuraasta Gollaha Shacabka ee BSF.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.