Musharixiinta oo taageeray go’aan Xukuumadda Rooble gaartey

Waxay ku tilmaameen go'aankii ONLF looga dhigay Ururka Argagaxiso Taariikh Madow, oo Mugdi ah, taasoo dhawacaysa xuquuqda muwaadinka.

News Keydmedia Online
Musharixiinta oo taageeray go’aan Xukuumadda Rooble gaartey

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta, ayaa soo saarey qoraal ay ku taageereen go'aankii shalay kasoo baxay Xukuumadda ee ONLF looga saarey liiska argagaxisadda.

Waxay sheegeen in go’aankii Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre uu aheyd taariikh madow oo mugdi ah, sidoo kalena xad-gudub ku ahaa xaquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu ku amaaney Rooble iyo xukuumadiisa go’aanka geesinimada iyo wadinayadda xambaarsan, oo lagu saxay khaladaadkii hore, ee uu galay Maamulka MD hore Farmaajo.

ONLF ayaa lagu daray liiska argagaxisadda 2017, kadib markii Qalbi-Dhagax loo dhiibey Itoobiya, iyadoo go'aankaas uu ahaa mid Farmaajo ku qancinayay Xukuumadda Addis Ababa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.