Musharrax qaadacay doorashadii Kismaayo

Mid ka mid ah Musharixiinta shalay u tartamay ka mid noqoshada Aqalka Sare, ayaa qaadacay doorashadii ka dhacday Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Musharrax qaadacay doorashadii Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya  - Maxamed Axmed Sayid, oo ahaa musharrixii la tartamay Ilyaas Badal Gaboose, oo noqday Senator-kii ugu horeeyay oo loo doortay Aqalka Sare ee cusub, ayaa sheegay in doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo aysan ahayn mid xor iyo xalaal ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku yiri, “Waxaan u caddeynayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland, in doorashadii ka qabsoontay Kismaayo ay u dhacday si aan waafaqsaneyn sharciga iyo cadaaladda”. 

Wuxuu guud ahaan qaadacay natiijada doorashada, gaar ahaan kursiga uu isagu u baratamay, wuxuuna xusay in maamulka Kismaayo uu af-duubay doorashada Aqalka sare.

Daqiiqado kadib, Maxamed Axmed, wuxuu bartiisa Facebook ka saaray qoraalka, waxaana la soo sheegayaa in xalay xilli danbe lagu arkay guriga Madaxtooyada  ee ku yaalla Kismaayo.

Jubbaland waxay ku leedahay Aqalka Sare 8 kursi, waxaana muuqata inuu Axmed Madoobe qorsheeyay cida ku fariisanaysa, maadaama madaxda maamullada la siiyay awood ay kusoo xulayaan Musharixiinta.

Doorashadda Kuraasta Aqalka Sare ayaa si rasmi ah uga billaabatay dalka, waxaana la filayaa in Koonfur Galbeed noqoto maamulkii 2aad ee qabta doorashadda, iyadoo bisha soo socota kuwa dhiman ay ku xigi doonaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.