Musharraxiinta maxaa u diiday iney ka hadlaan wax-qabadkooda?

Sida ku xusan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya afartii sano mar waxaa Soomaaliya ka dhaca doorashooyin guud, sanadkan Soomaaliya waxaa ka dhacaya doorashadii ugu xasaasisaneyd tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, Wariyaha KON ee Muqdisho ayaa iski soo koobay buuqa ka jira doorashooyinka. 

Warar Keydmedia Online
Musharraxiinta maxaa u diiday iney ka hadlaan wax-qabadkooda?

Inta la ogyahay in ka badan Shan iyo Toban Musharax ayaa sanadkan u ordeysa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uuna mid walba aaminsan yahay inuu isagu yahay kan u mudan hoggaaminta Soomaaliya xilligan xasaasiga ah.

Shir ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Sebteembar ee sanadkan ayay madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya ku heshiiyeen doorashada dalka 2020-2021, waxaana la isku raacay inay dalka ka dhacdo doorasho dadban oo ay xildhibaan walba dooranayaan 101 ergo oo laga soo xulay bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qodobadii lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa Dhismaha Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta Khilaafaadka oo ka kooban guddiyo heer federaal iyo heer maamul goboleed iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo ay kala xuli doonaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamullada Dowlad Goboleedyada.

Waxaa muran badan uu ka dhashay qaar kamid ah xubnaha uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Guddiga Doorahooyinka iyo Xallinta Khilaafka heer Federaal iyo sidoo kale Xubnaha Guddiyada ay soo magacaabeen dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Musharraxiinta madaxweynaha ayaa sheegaya in guddiyada lasoo magacaabay ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka iyo xubno ka tirsan nabad sugidda qaranka taas oo ka hor imaaneysa xeerarka doorashooyinka sida ay hadalka u dhigeen.

Shirka Musharraxiinta

Waxaa muddo todobaad ku dhow magaalada Muqdisho ka socday shir ay yeesheen musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha kale oo mucaaradka ah, waxaana dhammaan shirka diiradda lagu wada saaray sidii xukuumadda iyo madaxda dowlad goboleedyada cadaadis loogu saari lahaa wax ka badalka xubnaha guddiga doorashooyinka ee la sheegay in ay ka tisan yihiin Shaqaalaha Rayidka iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka.

Ragga shiray ayaa jeediyey eedeemo waaweeyn, iyagoo soo saaray go’aanno loo arki karo in ay xaaladda dalka ay u horseedi karaan qalalaasyo siyaasadeed.

Balse dhanka kale ma jiro hal musharax oo isku howlaya soo bandhigidda mashruuciisa siyaasadeed, maadaama uu dalka ku jiro xilli doorasho, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah sababta aanay guud ahaan musharaxiinta oo kamid yahay madaxweynaha haatan talada haya aanay bulshada ula wadaageyn mashruuca siyaasadeed ee ay doonayaan inay dalka ku maamulaan afarta sano ee soo socota.

Si xitaa muwaadiniintu ay usii oggaadaan halka uu ka jiro qofka doonaya inuu ka jawaabo baahiyaha ay qabaan shacabka, inkastoo maanka lagu haayo in dadweynuhu aysan wax dooraneynin haddana waxa ay yeelan karaan saameyn haddii ay helaan xog buuxda oo ku saabsan cidda wax u tari karta.

Waxaa muuqata siyaasiyiinta xilalka raadinaya inay iyaga uun isu muuqdaan, balse aanay u muuqan waxa ay sugayaan bulshada Soomaaliyeed ee barna qaxootiga ku ah dalal shisheeye barka kalena amni darro, abaaro, daadad iyo duufaanno ugu dhibaateysan yihiin gudaha dalka.

Haddaba maxay doonayaan shacabku inay ka maqlaan Musharraxiinta?

Shacabka Soomaaliyeed waxay doonayaan in ay musharaxiintu ka hadlaan Arrinta Amniga, al-Shabaab oo ka dhigan caqabadda amni ee ugu weyn ee dalka ka jirta, Joogitaanka Ciidamada Nabad ilaalinta ee Amisom, Wadahadallada Soomaalilaan iyo xiriirka dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada. Afartaa Ajenda ayaa ka dhigan kuwa ugu mudan ee laga sugayo inay musharaxiintu ka hadlaan inta lagu jiro ololaha doorashooyinka.

Haddii qodobbadaa aan kor ku soo xusnay ay musharrixiintu qorsho cad ka leeyihiin waxa ay aheyd in ay bulshda la wadaagan, maadama ay yihiin kuwo baahiyahoodu haddda taaganyihiin, balse waxaa muuqda in aysan ciddna xil iska saareyn ka jaawabidda baahiyaha iyo dhibaatada ay qaban dadka la doonayo in la xakumo.

Dhanka kale Soomaalida ku nool gobollada qaar sanadka qeybtiis biyo la’aan ayay u dhintaan halka sanadka qeybtiisa kalena ay biyaha laftooda kusoo fatahaaan sababaanna dhimasho iyo barakac xoog leh, arrintaas waxay kamid tahay dhibaatooyinka dalka haysta ee musharaxiinta laga doonayo inay ololaha ku galaan xal u helidda dhibaatadaas.

Dad ka badan nus malyuun ayaa abaaro, fatahaad iyo colaad darteed ku dhex barakacay Soomaaliya halka dad laba milyan ku dhowna ay qaxooti ku yihiin daafaha caalamka haba ugu darnaadeen qaxootiga ku nool dalalka Kenya, Itoobiya iyo Yemen, dhammaan qaxoootigaas iyo barakacayaasha waxa ay dhegaha iyo indhaha ba ku taagayaan doorashooyinka ololahooda socda, bal sawiro sidee ayay dareemayaan dadkaa sadexda milyan ku dhow ee barakacayaasha iyo qaxootiga isugu jira ay maqli waayaan hal marna Allaha ka dhigee musharaxa soo hadalqaadaya sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadooda. Waa niyad jab weyn oo aanu dareemi karin qof dareemay mooyee.

Musuqa baahsan ee ka jira Hay’adaha Garsoorka dalka waa mid kamid ah ilaha ugu waaweyn ee amni darrada dalkeenna ragaadisay sidoo kalena keentay kalsooni darrada shacabka ay dowladda ka qabaan. Waxaa la dhahaa amni darro haddii aad maqasho waxaa jirta caddaalad darro keentay amni darradaa.

Hagaajinta nidaamka garsoorka waa qodobada ugu waaweyn oo dadka Soomaaliyeed u dheg taagayaan si loo helo nidaam caddaalad iyo sinnaan ku dhisan oo dadka u kala garsoora, xal u helidda caddaalad darrada iyo musuq baahsan ee ka jira Hay’adaha Garsoorka waxay kamid tahay su’aalaha aan laga jawaabin ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.  Sidoo kale arrinta Federaaleynta Soomaaliya iyo wadahadallada Soomaalilaan waa qodob aad u muhiim ah oo ka tirsan ajandayaasha qaran ee muhiimka ah mudanna in doodo miradhal ah laga yeesho.

Isku soo wada duub iyada oo ay jiraan boqollaal arrimood oo muhiim ah ayaa waxaad boorarka ku dhegan wadooyinka magaalada Muqdisho ku arkeysaa Sawirka Musharraxa iyo Hebel 2021 oo aanay la socon Liid “Slogan” ka tarjumaya olalaha musharaxa u tartamaya madaxweynaha Soomaaliya arrintaas ayaa muujineysa niyad jabka iyo kalsooni darrada ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan siyaasiyiinta u tartameysa Xilalka ugu sarreeya dalka waxaana intaas oo dhan ka sii daran marka siyaasiyiintaa xilalka isku heysta ay colaado u horseedaan shacabkan daallan ee xaaladda rajobeelka ah ku sugan. 

Sidaa darteed sow lama dhihi karo musharraxiintu dharka uun ayey ku kala duwanyihiin ee aragti iyo waxqabad kuma kala duwana?

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.